Top News:Madaxda Qaranka oo ka shirsan Sidii looga Hortagi lahaa Duulaanka Kenya

uhuru

Xukuumadda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda Soomaaliya Lt. Gen. Lucas Tumbo , isla markaana amartay in dalkeeda uu isaga baxo safiirka Soomaaliya, arintan ayaa ka dambeysay Kenya oo ku doodaysa in Soomaaliya “ay ku xaraashtay” magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay.

Dowlada Soomaliya ayaa waxaa laga filayaa inay go’aan adag ka qaadato ficilka ay kenya ku kacday waxaana lafilayaa in la joojiyo Khaadka ka imaanaya Kenya kaas oo Soomaalida dhib wayn ku hayso iyo in Kenya Loo sheego in ciidamadeeda sida ugu dhaqsaha Badan kaga baxaan soomaliya madaama Xirirka labada Dal uu Xumaaday.

Wararka ka imaanay Villa Soomaliya ayaa waxay sheegayaan inuu socda kulamo udhaxeeya Madaxda Qaranka Somaliya iyadoo looga arinsanayo sidii looga jawaab celin lahaa Duulaanka qaawan ee kenya.

Wararkeena dambe kala socda warar Dheeraad ah iyo Go’aanka Dowlada Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.