Rag Hubaysan oo nin dhalinyaro ah ku dilay Suuqa Bakaaraha

Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo gudaha Suuqa lagu dhex dilay.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadaa oo ku dhex yaallo Suuqa Cabdalla Shideeyaha Bakaaraha, kadib markii laba nin oo hubaysan ay toogteen wiilkaan dhalinyarada ahaa.

Dilka kadib kooxihii hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, waxaana mar kaliya Suuqa Cabdalla Shideeye ku kala cararay dhalinyaradii halkaasi ku ganacsaneysay.

Lama oga ruuxa la dilay waxa uu yahay & sababta ka dambeysa dilkiisa, balse Kooxaha hubaysan ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ku dila dadka ay u arkaan inay ka feker duwan yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.