Ganacsade Xalay Boosaaso lagu dilay iyo Xaalka Boosaaso oo wanaagsanayn

Amaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxuu noqday mid sii xumaanaya.

Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxa ay ku dileen nin ganacsade ahaa, kaasi oo ka soo baxay masaajid uu Salaadii Cishaha ku soo dukaday.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash waxaana goobtaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

Salaad Cabdi Cukaash oo xisaabiye u ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed ayaa lagu dilay xaafadda Raf & Raaxo ee magaalada Boosaaso gaar ahaanna nawaaxiga masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo uu salaadda ka soo baxay.

llaa hadda lama garanaayo sababta loo dilay ninkaasi ganacsadaha ah, balse muddooyinkii dambe dilalka loo gaysanaayo dadka ganacsatada ayaa ku soo badanaya Magaaladaasi.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa Boosaaso waxa ay ka wadaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.