Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Taliska Qaybta Guud Ee Gobalka Banaadir Oo Dib Loo Dhisay

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta xarigga ka jaray xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa sheegay in Booliisku ay laf-dhabar u yihiin horumarinta garsoorka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda amniga iyo taliska booliiska ku ammaanay dib-u-dhiska taliska xarumaha booliiska gaar ahaan qaybta guud ee gobalka, waxa uuna taliska booliiska faray in lasoo celiyo sharafta booliiska iyo in taliska dhexdiisa ay ka billaabaan dagaalka ka dhanka ah musuqa, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.
Taliska Booliiska oo Ra’iisul wasaaraha usoo bandhigay qorshayaashooda hagaajinta amniga, ayaa ballan qaaday soo celinta sumcadii iyo sharaftii uu caanka ku ahaa booliiska Soomaaliyeed iyo in safka hore ay ka gelayaan dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo laalaabka si loo helo amniga la isku hallayna karo cadaalad loo simanyahay.
Halbeegyada wasaaradda amniga gudaha XFS ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib u dhiska xarumaha booliiska ee caasimadda dalka iyo dayactirka xarunta tababarka booliiska Gen. Kaahiye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.