Xaalka Amni ee Magaalada Jigjiga ayaa Maanta Xasiloon

jigjiga

Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida kaddib markii ciidammada militariga ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga waxaana xalay kajiray Magaalada JigJiga Bandow ay kusoo rogeen laamaha Amniga.

Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda isla markaasna magaalada ay hadda xasiloontahay, Magaalada Jigjiga waxaa shalay ka dhacay Rabshado waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen qalalasaaha.
Rabshadahii shalay ka dhacay Jigjiga ayaa waxaa u dhexeeyay qaar kamid ah qowmiyadaha wada deggo dalkaasi waxaana Magaalada Jigjiga kusoo badanayaa Dadka Amxaarada iyo Ormada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.