Daawo:Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Furay Siminaar La Isku Waafajinayo Shaqada Taliska Iyo Hoggaannada Ciidanka.

wasiir

Wasiirka GaashAandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe” ayaa tababar Aqoon korosi ah u furay Saraakiisha Qeybha kala duwan Ciidanka XDS iyo Taliska guud.

Dooda Aqoon isweydaarsigaan ayaa diiradda lagu saaray qaabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya amniga guud ee dalka ay ugula wareegayaan Ciidamada AMISOM oo Mudo ka Badan 10 sano ka Howlgalaya Gudaha Dalka, waxaana la is dhaafsaday fikrado ku Aadan Arintaasi iyo qodobo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa sheegay in Sanadkaan uu yahay Sanadkii dalka laga xoreyn lahaa Kooxda arxanka darran ee Alshabaab, isaggoo xusay in Ciidanka Xoogga dalka ay u diyaar garoobeen xoreynta dalka iyo siddii AMISOM ay u badali lahaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.