Top News:Kenya oo Dacwadii Bada Dhumisay Kadib markii MOU uu saxiixay C/rixmaan Cabdi shakuur ay ahayd Qabyo

shakur

Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa waxaa lagu soo gabagabeynayaa dhagaysigii doodda ku saabsan muranka-badeedka u dhaxeeyay Qareenada Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya, Dawcadda Bada ee udhaxaysay kenya iyo Soomalia ayaa waxay socotay sanado, taasoo dhexmaraysay Qareennada u kala doodayay Waddamada Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan muranka dhinaca badda ah ee labada waddan ay isku haystaan.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ayaa waxay sheegtay wareegii kowaad ee dacwada Bada ee udhaxaysa Soomaliya iyo Kenya ay Soomaliya ku Guulaystay sabatoo ah kenya caydamaha ay la yimadeen ma ahan kuwa ka hor istaagaya in dacwada si buuxda Maxakamada Caalamiga u qaado.

Kenya ayaa waxay doonaysay inaan dacwadaan lagu qaadin Maxkamada Caalamiga ee Kenya iyo soomalia ay xeer Jabjab ku dhamaystaan madaama Kenya Ciidamo nabad ilaalina ka joogan Soomaliya, Xiriir wanagsana ka dhaxeeyo labada dal qaxooti tiro badan ganacsato Soomaliyeedna ay ku sugan yihiin

dhanka kale Heshiiskii is afagaradka ahaa “”memorandum of understanding (MOU)” ee ay wada saxiixeen Wasiirka Qorshaynta Soomaliya Cabdirixaman Cabdi shakuur iyo Wasiirka arimaha dibada Kenya ee xiligaas Moses Wetang’ula ayaa Maxakamada ay sheegtay inuu yahay mid jira sababtoo ah Labada wasiir ee heshiiskaan saxiixay waxaa cod buuxa ku ansixiyey Barlamaanka Labada dal.

Soomaliya ayaa waxay iaydu ku doodaysay in heshiiskas is agaradka ah ee kala saxiideen kenya iyo Soomaliya uusan mid jira ahayn sababtoo ah Barlamaanka Somaliya ayaa diiday.

Ugu dambayntii Kenya ayaa looga guulaystay dacwada qaybteedii Kowaad waxaana lasugayaa inay Maxakamada Caalamiga ay sheegtiga la qaadayo dacawada Bada taas oo lareynayo in Kenya looga guulaysto halkaasna waxaa ku dhamaanaya dacwadii bada Soomaliya kala dhaxeysay Kenya waxaana dhibkaan keenay Heshiiskii is afaragadka ee uu saxiixay Cabdirixmaan Cabdishakuur.

hoos ka aqrisoayadoo English ah
https://www.nation.co.ke/news/Kenya-sea-row-case-Somalia/1056-3797642-ittkag/index.html?fbclid=IwAR1MjGQL_3casYF9M7nf6E3s3t7Y-qUPpOoLdVeDTK7VzepE5a6OC04p1U8

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.