Top News:Puntland oo udiyaar garoowday Soo dhaweynta Madaxwaynaha Soomaliya

Maamulka Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxay udiyaar garoobeen Soo dhaweynta Madaxwaynaha Soomaliyeed ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo wafti balaaran oo lasocda kuwaas oo bari subax kasoo dagaya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

Soo dhawenyta Madaxwaynaha Soomaliya ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Bulshada Puntland oo ugu Horeeyo Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi dani, qaybaha kala duwan ee Maamulka Puntland, Ciidamada, Salaadiinta, culumada, Haweenka, dhalinyarada, Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxda Dowlada federaalka Soomaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ayey u tahay markii labada oo uu booqasho rasmi ah ku tago dhulka Puntland tan iyo intii loo doortay Madaxwaynaha Soomaliya, Madaxwayne farmaajo ayaa Qudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeedin doona Mucaarad iyo Muxaafadba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.