Daawo:Xildhibaan Cabdi shire oo ka mahadceliyey Sida wanaagsan ee lasoo dhaweeyey

cabdishire

Xildhibaan cabdi shire Jaamac oo kamida ah Xildhibaanda Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa waxuu ka hadlay dareenkiisa sida wanagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Caasumada maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland.

Xildhibaan Cabdishire ayaa waxuu kamid yahay xildhibaanada laga soo doorto Deegaanka Saaxo oo katirsan Puntland waxuuna Xildhibaan Cabdi shire kaga mahadceliyey sida uu Madaxwaynaha Puntland iyo Madaxda kale ay ugu soo dhaweeyeyen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe, waxuuna Xildhibaanku intaas ku daray inuu lakulmi doono qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ugu horeeyso Ardayda Jaamacada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.