Daawo:Qaabkii Khayre usoo dhaweeyey Safiiro Cusub oo Soomaliya loo soo magacabay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada cusub ee Soomaaliya ay u soo magacaawdeen dawladaha Indonosia iyo Masar, Soehadjono Sastromihardjo iyo Mohamed Ibrahim Nasar Salem.
Safiirrada cusub ee Indonosia iyo Masar oo maanta madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ka guddoomay aqoonsiyadooda safiirnimo ayuu Ra’iisul wasaare Khayre kala hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah iyo is-kaashiga ka dhexeeya wadamadooda iyo Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale qaabilay safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho, Carlo Campalina, oo ay ka wada hadleen xariirka iyo danaha isku tolan ee labada dawladood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.