Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradaha maaliyadda, arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horayn guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay dardar-gelinta qorshaha cafinta daymaha lagu leeyahay dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale kormeeray wasaaradaha arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud, waxa wasiirada iyo uuna hawl-wadeennada wasaaradaha faray in laba jibbaaraan fulinta shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda si loo xaqiijiyo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaanta iyo daah-furnaanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.