Sawiro:Maamulka Gobolka Gedo iyo Kan garbaharay oo is hortaagay Dhagax dhigii Maktabada Garbahaaray

garbo

Wararka Naga Soo gaarayo Magaalada Garbahaaray ee xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaay sheegayaan in Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed iyo Gudoomiyaha Magaalada garbahaaray Imaan Cadow ayaa waxay Maanta is hortaageen dhagax dhigii Maktabada Guud ee Garbahaaray taas oo ay dhagax dhigi lahaayeen Wafti kasocda Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Garbahaaray ayaana sheegin sababta ay isu hortaageen Dhagax dhiga Maktabada Guud ee Magaalada Garbahaaray taas oo dhalinyaro iskood isu xil saaray waqti badan ku bixiyeen sidii Maktabad tayo leh looga Hirgalin lahaa Magalada Garbahaaray iyo Gobolka Gedo.

Bulshada Garbahaaray ayaa waxay ugu baaqeen dowlada federaalka ah iyo maamulka jubbaland in wax laga qabto masuuliyiintaan is hortaagay dhagax dhiga Maktabada guud ee Garbahaaray taas oo baahi wayn loo qabo.
garbaharay
garbo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.