Al-Shabab oo weerartay saldhiga ciidamada Baar Sanguuni iyo Qasaaro ka dhashay

shabab

Dagaallamayaasha Al-Shabab ayaa saaka weerar xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada xoogga qaranka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose.

Xooggaga weerarka fuliyay ayaa lagu soo warramayaa in gawaari walxaha qarxa saaran yihiin ay ku dhufteen albaabka saldhig, ka dibna uu halkaa ka dhacay dagaal xooggan oo saacado socday.

Warbaahinta taabacsan Al-Shabab ayaa sheegtay in xooggaga ururkaasi ay la wareegeen saldhigga, isla markaana ay halkaa ku qabsadeen hub iyo saanad ciidan oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu ka dhashay dagaalka saaka, iyadoo dhaawacyo in ka badan 10 ciidamada la wareeray ah la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Al-Shabab ayaa inta badan beegsata saldhigyada ciidan ee milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana isla saldhiggan ay weerartay bartamihii sanadkii la soo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.