Daawo:Ra’iisalwasaare Khayre oo si lafilaana u booqday wasaarado Madaxdii kamaqan yihiin

khayre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay subaxnimadii hore ee maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradaha, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraysatay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan.

Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda ayaa u jeedadiisu ahayd adkaynta isla xisaabtanka ku salaysan daah-furnaanta iyo hufnaanta.

Wasaaradahaan uu Khayre booqday ayaa waxaaba soo xaadirin Madaxdii ugu sareysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.