Wasiirka Waxbarashada Goodax Bare ayaa la kulmay ardeyda wax ka barta Jaamacadaha Muqdisho

godax

Ujeedka kulankaan ayaa ahaa mid su,aalo lagu weydiinayay Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka Mudane Cabdullahi Goodax Bare, waxaana ka qeybgalay Ardayda wax kabarata Jaamacadaha Dalkaa, intii uu soday kulanka ayaa lagu lafa guray hanaanka ugu wanaagsan ee lagu hormari karo Tacliinta Sare ee Dalka.

Qaar kamid ah ardayda kasoo qeybgalay kulanka oo su,aalo weydiiyay Wasiirka ayaa ku amaanay Wasaarada Waxbarashada doodaha nuucaan ah ee bulshada faa’iidada uleh.
Gudoomiyaha Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed Maxamed Jimcaale ayaa tilaamay in doodaha caynkan ah ay saacidayaan dadaalada Waxbarashada sare lagu horumarinayo.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka Mudane, Cabdullahi Goodax Bare ayaa sheegay in Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Xasan Cali Kheyre ay ka go,antahay in ay culeyska saaraan sara u qaadista iyo
tayeeynta Macalimiinta Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.