Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Tababar usoo xirtay Haweenka Barakacayaasha ah

Tababarkaan oo ay ka faaiideysteen 25-hablood oo laga soo kala xulay Xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho ayaa socday muddo 3 isbuuc ah, waxaana lagu baray xirfado dhinaca gacanta ah oo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo soo qaban qaabisay tababarka ay ugu talo gashay in shaqo abuur ay u noqoto hablahaasi, iyadoo isla maantaba Wasaaraddu ay ku  wareejiyey shahaadooyin iyo qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen.

Qaar kamid ah Hablaha ka faaiideystay Tababarka ayaa sheegay in xirfadda ay barteen ay noloshooda ku maareyn doonaan, iyagoo u mahad celiyey Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo fursadan siisay.

Ibraahim Xuseen Cali lataliyaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa la dardaarmay Hablaha tababarka loo soo xiray, isagoo xusay in looga baahanyahay in xirfadooda ay hormarin ku sameeyaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Isxaaq Xaashi ayaa sheegay in ujeedka Tababarkan uu ahaa sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa Hablaha Barakacayaasha ah oo u baahan garab istaag.

Hablaha tababarka ka faaiideystay ayaa kamid ah qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha Baralacayaasha ee Muqdisho, kuwaas oo ay heysato xaalad dhanka Nolosha ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.