Bogaadin iyo Taageero Shirka Midnimada iyo Dib u Heshiisiinta Garbahaaray

yuusf

Aniga oo ku hadlaya magaca xubnaha dhaqdhaqaaqa RJA iyo magacayga waxaan bogaadinayaa shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed ee walaalaha ah uga socda magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo. Waxaan ka warqbnaa baahida keentey shirkan iyo sida uu muhiim ugu yahay bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo.
Maamulka hagaasey ee Kismaayo ku go’donsan waxuu muddo dheer ku hawlanaa kala qaybinta iyo iska horkeenka guud ahaan bulshada reer Jubaland iyo gaar ahaan beelaha wada dhashey ee ku dhaqan gobolka Gedo, halkii uu dib u heshiisiinta ka shaqeyn lahaa. Kol haddii uu maamulka Kismayo ku guuldareystey nabadgelyadii waxaa dani ka fursanweyde in bulshadu u istaagto danteeda.
Hadaba, cuqaasha iyo waxgaradka reer Gedo iyagoo ka hortagaya danaha guracan iyo hagardaamooyinka ku soo fool leh in iskood isu abaabulaan, una guntadaan ka shaqeynta nabadaynta iyo wada noolaashaha beelaha wada dhashey waa arrin aad u qiima badan, ammaan iyo bogaadinba mudan. Waa tallaabo ku soo aaday xilli aad loogu baahnaa.
Waxaa nasiibdarro ah in maamulka Kismaayo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo sidii uu u fashilin lahaa shirkaasi qiimaha badan. Waxaan xaqiiqsaney in Axmed Madoobe iyo kooxdiisu ayan ku faraxsaneyn shirkaasi dib u heshiisiinta ah ee ka madaxbanan.
Waxaan marag ka nahay in maamulka Kismaayo uu hadba koox calooshood u shaqeystayaal ah u dirayo Gobolka Gedo si aay fadqalalo u dhaxdhigaan beelaha nabadeyntooda u istaagey. Waxaan laba isweydiineyn in isku day kasta oo nabada iyo xasiloonida lid ku ah shacabku fashilindoono.
Waxan dhammaan inta shirkan qiimaha badan ee nabadeynta beelaha walalaha ah inuu qabsoomo ka soo shaqeysey iyo kuwa ka qaybgaleyba ku adkeyneynaa in aan loo kala kicin ilaa nabad waarta lugu heshiiyo.
Waxaan shirkani ka fileynaa in uu fure u noqdo gogol dhammaan beelaha reer Jubaland la isugu keeno, lagu wada nabadeyo, loogana wada tashado ayaha iyo mustaqbalka maamul mideysan, caadil ah oo aay Jubaland yeelato.
Jubaland midnimo, iskutashi iyo guul.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.