Jaaliyada Dhabta ah Jubaland ee USA ayaa taageertay dowlada Somaliya Axmed Madoobana Digniin udirtay

jubaland

Jaaliyada Dhabta ah ee kasoo Jeeda maamul Goboleedka Jubaland ee kusugan dalka Maraykanka ayaa waxay taageero buuxda u muujiyeen Dowlada Soomaliya, waxayma dhaliil dusha uga Tuureen Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe inuu ku fashilmay Hogaanka iyo horumarka Jubbaland lana joogo xiligii lays dhaafin lahaa.

Kulankaan oo aysoo qaban qaabiyeen Xarunta ilaalinta Midnimada Shacabka Jubbaland ayaa waxay Tagaareen waxqabadka Dowlada soomaliya ee uu hogaamiyo Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisalwasaare Khayre, Kulankaan oo dad aad utiro badan kasoo qayb galeen ayaa Waxuu kusoo dhamaaday Guul iyo is afgarad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.