Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed oo gaaray Xudur

lafta

Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi-casiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo aqbalay codsigii bulshada reer bakool oo ahaa in safarkiisa ugu horeeya uu ku bilaabo Gobolka Bakool ayaa maanta wafdi oo uu horkacayo waxa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada gaarka ah ee koofur galbeed soomaaliya, waxana mid mid u gacan qaaday bulshadii kala duwanayd ee soo dhoweyntiisa ka qeyb qaadanaysay.
Intaa ka dib madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxa loo galbiyey guriga martida ee degmada xuddur.
ugu horeyn soo dhoweynta madaxweynaha waxa ka hadley Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macallim iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in madaxweynaha cusub safarkiisii ugu horeeyey ku yimaado magaalada xudur.
Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi-casiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo lahadley bulshada ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta balaaran ee loo sameeyey,isagoona xusey in kulamo gaar gaar ah uu la yeelanayo Maamulka Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxana lagu wadaa in maalinta berito uu booqdo xarumaha bulshada loogu adeego.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.