Daawo:Dalladda JUNSA ee Kismaayo ayaa sheegtay in aysan ka mid ahayn dallada Qaranka ee looga dhawaaqey Muqdisho

jubalan

Dalladda ay ku midaysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka Jubbaland ee JUNSA ayaa kulan ku yeeshay magaalada kismaayo,Xubnahan kulanka yeeshay ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn isla markaasina ka tirsanayn Dalladd dhawaan looga dhawaaqey magaalada Muqdisho.
Dalladan looga dhawaaqey magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ku midaysan yihiin dhammaan Ururada Bulshada Rayidka ah ee dalka ka jira.
Mas`uuliyiinta dalladda JUNSA ee Jubbaland ayaa kulankooda maanta ku Caddeeyey in aysan qayb ka ahayn waxna aysan ka ogayn dallada Qaranka ee looga dhawaaqey magaalada muqdisho.
Madaxda dallada JUNSA ayaa sheegay in go,aankaan ay ka mideysan yihiin dalladaha kale ee ka jira Puntland iyo Koonfur galbeed.
Markuu soo dhamaaday kulanka ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha dallada JUNSA Maxamed Naasir Axmed Abdi,waxaa uuna sheegay in ay xiriir la sameeyeen dalladaha kale ee Puntland iyo Koonfur galbeed isla markaasina ay isku afgarteen in aysan jirin sabab ay uga mid ahaadan dalladda Qaranka ee looga dhawaaqey magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.