Daawo:Lix qarni in ka badan qorshihii cadawgii isticmaarka ugu talagaley Dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo intaas nagu socday

jimcaale

Lix qarni in ka badan qorshihii cadawgii isticmaarka ugu talagaley Dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo intaas nagu socday waxaa dhameystray oo ku ridey godkii lala rabay MACALIN KORNEYL GABRE IYO ARDAYDIISII UU KABIIRKA FIRFIRCOON U HELAY.

Waa arin murugo iyo xanuun badan qofkii damiir leh oo dib u milicsada waqtiga dheer ee aan kor ku xusay iyo waayihii Soomaaliya mudadaas dheer,ma ahi taariikh yahan bartay taariikhda,laakiin waxbaan akhrinkaraa oo daalacday,waxna dadkii iga weynaa ee aan soo gaaray baa iiga sheekeeyey,sidaas darted wixii aan khaldo waan ka cududaaranayaa.

Bal akhristayaal dib u milicsada Axmed Gurey iyo sidii uu u shihiiday asaga oo difaacaaya karaamada Soomaalida iyo muslimiinta,sidoo kale Amiir Nuur wixii uu qabtay intii uu noolaa,Sayyid Maxamed Cabdulle Xassan iyo daraawiishtii iyo gumeystayaashii caddaan iyo madoow isugu jirey wixii kala qabsaday milicsada,dhalinyaradii SYL iyo SNL maxay isla mareen gaaladii dalkaan haystay,ayyada oon hogaamiyashii ugu waa weyna gaaja darteed qaaxo ugu dhinteen,wax kastana gumeystuhu ku baayacay in ay qaataan laakiin diidey,waa Yaasiin Xaaji Cismaan iyo Cabdulqaadir Saqaawadiin.

Labada kacdoon oo hore markii ay guuleeysteen baa waxaa lala galay dagaal gumeysi oo calami ah,bal xasuusta Adduunyada oo dhan jabhad \gobonimadoona tii ugu horeysay oo dayuurado lagula dagaalamo waxay ahayd Sayyid Maxamed Cabdulle Xassan iyo daraawiishtii Kacdoonkii Axmed Guryna waxaa jabiyey xoogag cadaana oo uu hogaaminaay Burtiqiisku.

Mar saddexaad Dawladii kacaanka markii ay Soomaligalbeed xoreeyeen 1977 maxaa dhacay?Labadii quwadood oo adduunyada ugu xoogga badneyd baa isugu kaaya tegay ilaa nala jabiyey marsaddexaad,hanala jabiyee ayyada oo waxaas oo dhan laga duulaayo in aanaan soo kaban baa naloo qorsheeyey,shir baa Jabuuti nala kugu qabtay,Mid kale Adhis Ababa,mid kale Eldereed iyo markii danbe Imbekaati.

Intaas waa nala daalinaayey,sanad ka badan baa keenya nala ku hayey raggii laga dareemay in weli Soomaalinimada ku adkeysanayaan meeshaa lagu qaarajiyey, laba nin oo aqoonyahana ahaa iyo laba jeneraal oo mid kasta hamiinkii shirka ku jirey baa subaxdii meyd lagu helay,laysmana weydiin.

Kooxdii Meesha ku hartay baa loo dhiibey tastuur loogu talagalay in aan Soomaaliya dib u soo noolaan,waana soo qaateen ileyn waa la daaliyey hal sanee,Dawladii Cabdullaahi Yuusuf Madaxda ka noqdayna waa la soo dhisay,laakiin AUN Cabdullaahi wixii madaxiisa ku jirey oo ahayd mar un in uu madaxweyne noqdo iyo wixii loo soo dhiibey wey is qabsan waayeen,laakiin goortu goorteed,markii uu 50,000 oo Gabre hogaaminaayey Xamar soo geliyey,oo labaatan kun oo Soomaaliya ku laayey Xamar burbur horleh u geystay baa waa ku beryey.

Qorigii la su dhiibaayey ee lagu kala qaybinaayey Soomaaliya waxaa loo dhiibey Shiikh Shariif,wadaadka Alle waa xiltiray oo Macalin Korneyl Gabre in uu Jamhuuriyadii Soomaliya Todoba qaybood u qaybiyo uma suuroobin waqtigiisii.

Macalin Korneyl Gabre shaqadiisii waxay najaxday markii uu ardeydiisii u helay Kabiir firircoon,ardaydii Macalin Korneyl Gabre waxay heshay Xilalkii ugu muhiimsanaa dalka,wuxuuna ku guuleystay in uu todoba qaybood oo kala madaxbanaan u qaybiyo jamhuuriyadii Soomaliya,Jubalaand,Koofurgalbeed,Hirshabeelle,Galmud,Puntiland, Sooamliland iyo Mugadishou oo baalihii laga rifey haddana Gobonimadoon ah oo ku doodaysa in maqaamkeedii maqan yahay,run oo haddii intii kale dawlado gaar ah Sameysteen ayna leeyihiin Xamar waa naga dhexeysaa,arintaas sax maaha,laakiin shacbiga Soomaaliyeed hoos ma u fiiriyeen cadawga muuqda oo aan qarosooneyn oo haysta gobolada dalka? Halkaas aan tala ka dhiibto.`1-Maqaamka Xamar maaha aan kala tagnee annagana aan madaxbanaani helno sida shacbi gobanimo doon ah oo gumeysi haysto.2-Kuwa gobolada la baxay geelaand oo dawladii xamar ka shaqeyn weyday ee yiraahda annagu waxaan leenahay tastuur,baarlamaan,xildhibaano iyo wasiiro Xamar waxba noogama xirna,haddana u sacbiya oo weliba mashxarad ugu dara qaa,inu wadan si cad ugu sheegay Soomaali waan ka go,nay mana u baahnin a arintu ka tahay waan garan waayey,Ma waxay ula jeedaan aan kala tagno oo magaca Soomaaliya ha la baabi,yo?Fadlan xubnaha ardayda Macalin korneyl Gabre waxa ay ku shaqaynayaan waa shaxdii Macalin Korneyl Gabre(WAXAAS WAA LAG IDAAD EE DHEELALAABO HA KU CUNIN )bay Soomalidu tiraahdaa.Kala tegista Soomaaliyeed yaan laydiin qaran ee tashada inta goori goortahay oo ogaada Soomaaliyee maqam Xamar ma maqna ee waxa maqani waa Soomaaliweyn maqaamkeedii(LAACA ARAGTAYE LAAGA MA OG TAHAY),DHAMMAANTOOD WAXAA U NIYADFIICAN KUWA HARGEYSA JOOGA WAAYO ARINTOODU MA QARSANA WADAL BAANA KA FURAN OO WAA LAGA HESHIIN KARAA.Isweydiiya su,aalahaan ayaa tastuurka nala ku horwado noo sameeyey mase aragteen nin kaliya ee Soomaaliya oo leh anaa wax ka sameeyey?Soomaaliyi Federaal bay qaadatay maqalnaye goormaan u codaynay oon qaadanay?Waa qabyo laga soo bilaabo Cabdullaahi Yuusuf AUN ilaa Farmaajo waa laba iyo toban sano maxaa qabyo ka dhigay?Dhammaan su,aalahaan iyo waxa kale ee ku gadaaman qoraalkaan jawaabta Soomaali baan u daayey.fadlan dalka dadkaa leh ee qaybiya{share)
Wabilaahi Towfiiq,
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.