Daawo:Banaanbax looga soo horjeedo mursal iyo Mooshinka laga keenay Farmaajo oo ka socda Muqdisho

mursal

Banaanbax looga soo horjeedo Gudoomiyaha Barlamanka iyo Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay waxaa uu ka soconayaa qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Banaanbaxa ka qeyb galaya ayaa waxaa ay ku qeylinayaan Dooni meyno Mooshinka iyo erayo kale,iyadoona qaarkood ay sheegayaan in ay aad ugu xun yihiin mooshinka ay Keeneen Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Banaanbax ayaa waxaauu ku soo beegmayaa Xilli shalay gelinkii dambe ay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaalka magaalada Muqdisho ayaa saakay ka duwan sidii hore, iyadoona dalka uu jiro marxalad siyaasadeed, taasi oo ka dhalay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.