Daawo:Gudoomiye Mursal oo Xildhibanada Mucaaradka Usheegay war aysan Jeclaysan

mursal

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka diyaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Xildhibaano ku kala aragtiyo duwan kala dirista Gudiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliy.

Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa waxay rabeen inuu Guduumiyaha ka hadlo kala dirista Gudiga Maaliyada Barlamaanka Soomaliya taas uu diiday inuu ka hadlo Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya waxuuna yiri “””Waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.