Dagaal Shabab qasaro loogu gaystay ayaa ka dhacay Baladxaawo Maxay Kula tahay?

janan

Ciidamada ammaanka ayaa hawlagallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ka wada deegaanno hoos taga dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu furo jidadka ay maleeshiyaadka Argagixisada ay ka xirtay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Dagaal maleeshiyada khasaare lagu gaarsiiyey ayaa shalay galab dhex maray Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada, kaasi  oo Argagixisada looga furtay saanad ciidan, tira ka mid ah maleeshiyaadkoodana looga dilay sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha horgacaysa Howlgalkan.

Bulshada magaalada Baladxaawo ayaa ciidamada ku taageeraya halwgalka jidadka lagu furayo si isku socodka gaadiidka gobolku u sahlanaado oo maciishaddu u raqiisto.

Laba maalin ka hor ayay maleeshiyada Al-shabaab magaalada Baladxaawo ku dishay Nabadoon magaalada caan  ka ahaa, waxaana ay afduubeen laba wiil oo uu dhalay oo mid ka mid uu ahaa saqiir.
Xigasho warbaahinta qarana

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.