Dhagayso:Xasan shiiq oo lagu eedeyey inuu Fowdo kawado Jubbaland iyo Dowlada laga codsaday inay Ciidan udirto Xududka Kenya

xasasnshiiq

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu Madaxwaynihii hore ee Soomaliya xasan Shiiq ku eedeyey inuu Kismaayo u Tagay sidii Fowdo uga abuuri lahaa, Xasan Shiiq uma Tagin Magaalada Kismaayo sidii Khilaafka soo kala dhexgalay Dowlada iyo Maamul goboleedyada loo xalin lahaa ama inuu ka nabadooneeyo Kala fogaanshaha soo kala dhexgalay Madaxwaynaha jubbaland Axmed madoobe iyo Bulshada Jubbaland taas oo Curyaamisay Habsi socodkii iyo Horumarkii Jubbaland ayuu yiri Musharax Madaxwaynaha Jubbaland.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed Warsame “deeq Faandhe” ayaa waxuu xasan shiiq ku dhaleeceeyey inuu Juabaland kawada Colaad iyo Kala fogaasho Bulshada Soo kala dhexgasho waxuuna ugu baaqay inuu dhibaatadiisa kala soo tago Jubbaland.

Musharax Deeq faandhe ayaa waxuu ka Tacsiyeeyey Nabadoon Dhaqane Qaasim oo xalay Kooxda Argagixisada Dil ugu gaysteen Gudaha Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, waxuuna dowlada Soomaliya  ugu Baaqay inay ciidan udirto Xuduuda Soomaliya lawadaagto Kenya gaar ahan Magaalada Baladxaawo si ay uga difaacaan kooxda Argagixisada Shabab iyo Boobka Kenya ku hayso Dhulka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.