Muuqaal:Madaxwaynaha Soomaliya oo Gaaray Dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.
Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.