Top News:Warbaahinta qaranka oo Noqotay Meel ay VOA ku adeegato

telefishinka

Warbaahinta qaranka Soomaliyeed ayaa waxay tahay Warbaainta kaliya ee uu lee yahay Qaranka Soomaliyeed taas oo bulshada Soomaliyeed kala Socdaan Aqbaarka Dalka Soomaliyeed iyo caalamka waxaana ka maamnuuca in ay ku adeegtaan Cadowga Soomaliyeed.

Hada Warbaahinta qaranka ayaa waxaa ka jira Musuq Maasuq Balaaran kaas oo ay Kamasuul yihiin Madaxda Warbaahinta qaybaheeda kala duwan sida Radiyaha,Telefishinka iyo Website waxaa si joogta warbaahinta qaranka Radiyaha iyo Telefishinka uga Baxa Aqbaarta Idaacada VOA qaybteeda Soomaliga waana Xadgudug ay ku kaceen Masuuliyiinta warbaahinta Qaranka ayakoo ku tagrifaliya Awooda.

Raysa Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo anba qaadaya fulinta qorshaha isla xisaabtanka ee dowladda ayaa kormeer shaqo marar badan waxa uu ku tagay Wasaraadda Warfaafinta si uu ugu kuur galo hawlaha shaqo ee ka socda wasaarada warfaafinta.
khbayre

Raysa wasaare Khayre ayaa Booqday qaybaha kale duwan ee Wasaaradda sida Telefishinka iyo Radiyha Muqdisho, waxuuna Madaxda warbaahinta kala duwan ka dhageystay sida warbaahinta qaranka u shaqeyso.

Intuu Kormeeka ku jiray Ra’iisalwasaare Khayre Marnaba looma sheegin in warbaahinta qaranka Soomaliyeed ay tabiso warka Idaacada VOAda, Hadaba Dowlada Soomaliya waxaa  la quman inay arintaan waxkaqabato oo Masuuliyiinta ka masuulka ah Talaabada ku haboon laga sida Masuuliyiin ka tirsanaa dowlada Shaqada laga eryey qaarna Xarig mutaysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.