Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda oo ay kujirto Mushaarkii Ciidamada

bayle

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dalka ee 2018ka oo ay Qaraar u soo badaleen Guddiga Maaliyadda BFS.
Kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday ayaa Dhageysi iyo dood dheer kadib codbixinta Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa u dhacday sidatan, 153 ayaa ogalaatay, 2 wey diiday halka 3 kalana ay ka aamustay.
Wasiirka Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka maadaama ay meel mariyeen dib u eegista Miisaaniyadda Dalka oo lacag dhan $22.5 Milyan ay ku korortay $17 milyan oo ka mid ah lacagta korortayna waa Mishaarka Ciidanka Xoogga Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.