Daawo:Axmed Madoobe oo loogu baaqay inuu iscasilo ama geesi noqo Sidii Waare Nabadna Qaato

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu iscasilo ama Geesino sameeyo sidii Madaxwaynaha Hirshabeele Maxamed Cabdiwaare kaas oo taladii Bulshada Hirshabeele qaatay kaas oo usoo jeestay danta dadkiisa iyo kan Soomaliyeed.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu umahadceshay shacabkii Juubaland ee Bananbaxa ka dhigay Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo kuwaas oo dalbanaayey Isbadal, dhanka kale Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay Beelaha Jubaland hadii ay kudulman yihiin Xildhibanada Jubaland inay sheegtaan cabashadooda madaama Bilaha soo socota ay bilaabanayso doorashada xildhibaanada Jubbaland.

Ugu dambantii Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa ugu mahadceliyey sidii loo soo afjaray madaxadii Maamul goboleedyada oo dalka dibadiisa u kala tartami jiray waxuu dowlda soomaliya ugu baaqay inay soo booqato dalka intiisa kale si ay ugoaato Xaalada ay kusugan yihiin bulshada soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.