Daawo:Golaha dhaqaalaha qaranka oo golaha wasiirrada u gudbiyay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka

Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.