Top News:Gudigii Doorashada Koonfurgalbeed ayaa isu casilay Dhaqaale Awgiis

koonfurgalbeed

Guddiga Doorashada Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa shir Jaraa’id ee ay ku qabteen Magalada Baydhabo waxay ku sheegay inay iska casileen xilkii doorashada Maamulka Koonfurgalbeed sababo la xariira faragelin lagu hayo doorashada.

Wararka Hada laga helaayo Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan inay Guddiga Doorashada Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Koonfur Galbeed ay isu casileen kadib markii ay wax ka waayeen dhaqaalo badan oo Musharaxiinta Madaxwaynaha koonfurgalbeed ay bixinayaan kuwaas oo lasiinayo Xildhibaanada Maamulka Koonfurgalbeed.

Wariyaha Gedotimes ee Magaalada Baydhabo oo laxariiray Guddiga doorashada Maamulka Koonfurgalbeed qaar kamida ayaa waxay usheegen inaysan wax macquula ahayn in lacag aad utiro badan ay ku baxayso doorashada Madaxwaynaha koonfurgalbeed taas oo aan waxba kasoo gaareen Guddiga Doorashada, shaqada Xoogeedana laga rabo inay qabtaan Guddiga Doorashada Koonfurgalbeed.

iyadoo ay yar tahay Mudada ka hartay Doorashada Madaxwaynaha Koonfurgalbeed ayaa waxaa Maalmaha soo socda lamagacaabi doonaa Guddiga Cusub ee Doorashada Madaxwaynaha Koonfurgalbeed iyadoo ay adana adag tahay in lasadaaliyo cida noqon doonto Madaxwaynaha Koonfur Galbeed.

Warakena Dambe kala socda waxii kasoo kordha Dorrashada Madaxwaynaha Koonfur galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.