Musharaxa Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo iska casilay Xilka uu u hayey Dowlada

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ahaa Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaannada Soomaaliya ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay maanta magaalada Baydhabo waxaa uu si rasmi ah ugu shaaciyay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee Dowladda Soomaaliya.

Mudane Lafta Gareen oo hadda ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa isagoo ka hadlaya sababaha uu isaga casilay xilka Wasiirnimo waxaa uu yiri “Waxaa igu kalifay in aan iska casilo xilka Wasiirnimo, maadaama sharuudihii Guddiga Doorashada ay ku jirtay qof haya xil Wasiirnimo in uusan tartanka ka qayb-gali karin, waxaana ku khasbanahay in aan u hoggaansamo awaamiirta Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed”.
Musharax Cabdicasiis ayaa u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Agaasinka Guud iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaana uu xusay in uu aad ugu faraxsanaa waqtigii ay soo wadashaqeeyeen, isagoo ka codsaday Ra’iisul Wasaare Khayre in uu ka aqbalo iscasilaadiisa.
Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa ka mid ah murashaxiinta ugu cad cad xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, taasi oo dhacaysa 17-ka bishaan November 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.