Madaxweynaha Somaliya oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacday magaalada Minya ee dalka Masar, kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida Jamhuuriyadda Soomaaliya shacab iyo dowladba ay u garab taagan yihiin walaalahooda dalka Masar, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada kasoo horjeedda horumarka iyo xasilloonida Gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in weerarkan argagixisanimo uu muujinayo hagardaamada joogtada ah ee argagixisadu ay ku hayaan shucuubta, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha Faramaja ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee dalka Masar Mudane Almushiir Cabdifataax Alsiisi iyo ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaas, waxa uuna u rajeeyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen in ay si deg deg ah caafimaad dhammeystiran u helaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.