Daawo:Wariye Dulyar oo kabaha Kula tuntay Jamaal iyo BBC kadib markay aflagaadeeyeen Wariyaasha Somaliyeed

dulyar

Barmaamijka Dooda BBCda oo looga hadlaayey Soomaaliya oo ka gashay kaalmaha hore dilka loogaysto wariyayaasha ayaa waxaa marti ku ahaa Wariye Jamaal Muxumed cusmaan iyo Cabdiqaadir faarax Dulmar waxaana daadihinaayey Farxaan maxamed Jimcaal.

Wariye Jaamacal ayaa ku sheegay dilka wariyaasha Soomaliyeed inay sabab u tahay laaluush ay ka qaataan Maamulgoboleedyada iyo Villa Soomaliya, wariye Cabdiqaadir Faarax Dulyar ayaa waxay ka caraysiisay hadalkaas asagoo matalaayey wariyaasha Soomliyeed ee kusugan dalka soomaliya waxuuna JamaaL u sheegay wariyaasha waxaay udhimanayaan sida Culimada,wagaradka iyo qaybaha kale ee bulshada loo dilo, laakiin wariyaasha looma dilin laaluush hadalka Jaamal kasoo baxay waxuu xadgudub ku yahay wariyaasha Soomaliyeed waxaana Jaamal iskaga qaldamay Social Mediayaha iyo Wariyaha.

Dhanka kale Wariyaha BBCda Farxaan ayaa waxuu Wariye sare Dulyar waydiiyey wariyaasha Soomaliya Tobabar ma qataan waxuuna Dulyar uga Jawaabay adinkoo jirin baan wariye ahaa ragii idinka horeeyey ayaan Tobabaro badan wadaqaadanayey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.