Daawo:Qaabkii ay Xildhibaanada Aqalka Sare u ansixiyay Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

aqalka sare

Waa kalfadhigii 4aad kulankiisa 5aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa looga hadlay Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka.

Senator Ilyas Cali Xasan Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay heerarka uu hindise sharciyeedkan soo maray iyo wax ka badalka lagu sameeyay, isagoo ka codsaday Golaha inay meel mariyaan sharcigan.

Ugu dambayn Guddoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka cod la galinayo ,
“Cod gacan taag ah ayaa loo qaaday 29, ayaa ogolaatay ma jirin wax diiday iyo cid ka aamustay sida natiijada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.