Daawo:Ra’iisalWasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Labaad Wasaaradda Maaliyadda

mahdi

xarunta labaad ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay ka gacan geysatay Dowladda Swedan ayuu xariga ka jaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Swedan ee Soomaaliya.
Safiirka Swedan ayaa sheegay in ujeedada Dowladiisu u taageertay dhismaha Xaruntani ay tahay sidii Shaqaalaha Qaranka u heli lahaayeen xarumo ku filan oo ay ku shaqeeyaan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa dhisma kale oo la mataana ah dhismahan si shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u helaan xafiisyo ku filan.
Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Swedan kaga mahad celiyay dhismaha xaruntani waxaana uu sheegay in xarunta yareyneyso culeyskii haystay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.