Akhriso:Khilaaf soo Kala dhex Galay Xaaf iyo shiiq Shaakir

Wararka ka imaanaya Xarunta maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxay sheegayaan in khilaaf Xoogan uu soo kala dhex galay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ee dhawaan Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Cadaado xilka Ka qaadeen iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Khilaafkaan Soo kala dhex galay Xaaf iyo shiiq shaakir ayaa waxuu yimid kadib markii Madaxwaynaha Galmudug Xaaf uu kusoo noqday Magaalada Dhuusamareeb isagoo sheegay in Bulshada iyo Maamulka Dhuusamareeb ay u diyaar Garoobaan Shir ay isugu imaanayaan Madaxada maamul Goboleedyada kaas oo looga arinsanyo aayaha Soomaliya.

Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kulan ay albaabada uxiran yihiin la yeeshay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale xaaf ayaa waxuu u sheegay Xaaf in danta Galmudug ay kujirti wada shaqeynta Dowlada Federaalka Soomaliya ayna mahiim tahay inaan aqbalo Gogashii uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo taas oo Madaxwayne xaaf ka Horyimid, waana tan kaliftay inuu Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu Magaalada Dhuusamreeb ee Xarunta Galmudug kaga dhawaaqo inuu soo dhaweyeey Gogoshii uu kubaaqay Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo taas oo lagu xalinaayo Qilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamul goboleedyada iyo Dowlada federaalka Soomaliya.

Khilaaf soo kala dhex galay Shiiq shaakir iyo Xaaf ayaa waxuu imaanaya iyadoo wali laxalin qilaafkii ka dhaxeeyey Madaxwayne xaaf, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Gacal Casayr iyo Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed xaashi Carab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.