Daawo:Gudoomiyaha Aqalka Sarre oo Muqdisho ka furay tababarka awoodsiinta Afkeenna Hooyo

cabdi

Tababar ku saabsan kor u qaadista iyo awoodsiinta Afkeenna Hooyo oo ay soo qaban qaabisay Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee “AGA” loona qabtay dhalinyarada qorta ama daneysa Afka Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho.

Tababarka oo socon doona mudo bil ah ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,xubno ka socda Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga “AGA” Maxamed Daahir Afrax,Qorayaal,abwaano iyo waliba marti sharaf kale oo furitaanka tababarka lagu casuumay.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga Maxamed Daahir Afrax oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka tababarkan ayaa sheegay iney muhiim tahay in ahmiyad gaar ah la siiyo Afkeena hooyo si uu awood u yeesho,islamarkaana dib loogu soo nooleeyo.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo si rasmi ah tababarka u furay ayaa kula dardaarmay dadkii ka soo qeyb galay oo u badnaa dhalinyaro iney ku dadaalaan inuu Afkooda Hooyo sareeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.