Sawiro:Shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Beel kamida beelaha daga Jubbaland oo Guul kusoo dhamaaday

Waxaa lagu qabtay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho kulan is xog waraysi ah oo u dhaxeeyey Beesha Ugaas Sharmaake, oo kamid ah beela dega Jubbaland.
Kulankaan oo si heer sare ah loo agaasimay waxaa kasoo qeyb-galay, Xildhibaano, Salaadiin, Aqoonyahano iyo qeybaha Bulashada.
Waxaana kulanka diirada lagu saarayey arrimo ay kamidyihiin, kamid noqoshada Hormarka Dalka, Hormarinta deeganada ay beesha wax ka dagto, turxaanbixinta dhaqanka, mideynta Bulshada, Xoojinta Xariirka iyo arrima kale .
Waxaana la isla qaatay in la joogteeyo Kulamada noocaan ah, loona saaro guddiyo farsamo.
Dhankooda Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, iyo Sanatar Cabdullahi Sh Ismcaal ” Fartaag” ayaa beesha la wadaagay xaalada Dalka uu marayo, isbadalada Siyaaseed ee ka jira. waxayna u sheegeen Dadka in ay qeyb ka noqdaan dhisida dowladnimada heer Faderal iyo Heer dowlad gobaleedba.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.