Top News:Booliiskii Jubbaland oo laga Joojiyey Taageradii lasiin Jiray

jamhad

Waxaa Hakad la galiyey Taageeradii lasiin jiray Ciidamada Booliska Jubbaland kadib Markiii ay Jabiyeen Xeerka iyo sharuudaha Booliska Soomaliyeed, Booliska Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxay Heli jireen Dhaqaalo, Gadiid, Dareeska Booliska xirto iyo tobabaro ka yimaada Dowlada federaalka Soomaliya kuwaas oo ay Bixiyaan dalalka Yurub, Midowga Africa iyo Maraykanka.

Sababaha loo hakiyey Taakuladii lasiin jiray Ciidanka booliska Jubbaland ayaa waxay timid markii Ciidamada booliska Jubbaland ee kusuganaa Magalada Kismaayo ay gadiidkii Booliska saarteen Calanka Jamhada ONLF,

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waa ha’yada dhowrto kala dambeynta iyo deganaanshaha dalka waxaana mamnuuc ka ah astaan gaar sida halkudhig xisbi, koox iyo wax kasta oo aan ahayn Astaanka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed.

Maamulka Jubbaland waxuu kala garan waayey Nidaankii dowliga ahaa iyo kii Jamhadaha waana wax laga xumaado in Booliiska Jubaland sidaas u dhaqmo taas oo usoo jiiday sharf dhac.

1 Comment

  1. Dawlada aad ku sheegayso inay taageero bixiso xagee ayey ka talisaa mida kale inta aad sameyn hayso been abuurka xanbaarsan Cadiifada Qabyaaladeysan maad iska cadaysatid ileen waxaad ku dhiiratay been uu alle ka xarimay inta rumeysay awoodihiisa miyaadanse ogayn beenta inuu rabi nacladay shameless your ambition is a poor balse waxaagu Waa iska Virus Like mosquitoes

Leave a Reply to Yussuf Ahmed Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.