Top News:Ra’iisalwasaare Khayre iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya oo wax ka qabanaya siidaynta Maxaabiis kuxiran Uganda

12-Xildhibaan Mudane oo mida Xildhibaanada Barlamaanka dowlada federaalka Soomaliyeed ayaa waxay hor-geynay soojeedin khuseysa xaaladda dhalinyarada Kampala (Luzira) ku xiran sanado Badan kuwaas oo wax lagu haysto aysan sheegin dowlada Uganda ayey Xildhibanadaan ku dalbanaayeen inay wasaaradaha ay khuseyso hor imaadaan Golaha shacabka Soomaliyeed si wax looga waydiiyo waxa ay ka qabteen dhalinyaradaan intii mudo ah ku xiran dalka Uganda.

Dalabkii Xildhibaanada Soomaliyeed waxaa isla markii ka jawaabay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya MUdane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre waxayna sheegeen inay si degdega uga howlgeleyna wafdi u dirayna oo soo afjareyna arrita Dhalinyarada Mudada Badan ku xiran Dalka Uganda.

Waxaa isaguna Mudanaanta Leh in lasheego Xildhibaan Faarax Xasan oo sanado badan ku hawlanaa sidii loo sii dayn lahaa dhalinyaradaan Soomaliyeed ee kuxiran Dalka Uganda.

Hoos ka aqeiso Xildhibaanda Soo Jeedinta saxiixay.
maxaabiis
maxaabis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.