Masuuliyin dowlada Katirsnaa oo Maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Marka ay Taariikhdu aheyd 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haysto eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqane.
Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, iyadoo ay ka soo qeyb galeen xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur, waxayna Maxkamddu intaa kadib guda gashay Dhagaysiga Dacwadda loo heysta eedaysanayaasha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa u akhriyay eedda loo haysto eedaysanayaasha oo uu goob joog ahaa Daahir Maxamed nuur, waxaana dooda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay Dacawadda loo haysto eedeysanayaasha iyadoo Qareennada difaacayay eedeysane Daahir Maxamed Nuur ay ka difaaceen eedda lagu soo oogay Muwakilkooda kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa mar kale balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta khamiista ee soo socata inta ka harsan.
maxkamd

maxkamd
max

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.