Sawiro:Axmed Madoo oo Caraysan ayaa Soo xiray shirkii dabar goynta Xanuunada faafa

axmedmadoobe

Hogaamiyaha Jubbaland oo Caraysan Axmed Madoobe ayaa soo xiray shir lagaga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dabar goynta Xanuunada faafa ee Deeganada xuduudka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya.
Shirkan oo maalmahan kasocday Magaalada Kismaayo ayaa lagaga hadlayay sidii Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahayeen badqabka dadka ku nool deeganada Xuduudka iyadoo mashruucan uu hoos tagayo Dowlad Goboleedyada Kenya ee xuduudka la leh Jubbaland waxaana kor ka maamulaya Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya.

Axmed madoobe wuxuu sheegay in ay muhiim tahay iskaashiga dhinacyada nabadgalyada Caafimaadka iyo xiriirka ee Bulshooyinka ku nool soohdinta labada dal, Dhamaan Hay’adaha Mashruucan fulinaya ayuu bogaadiyay isagoo sheegay in ay tahay shaqo wakhtigeedi kusoo aaday.

axmed madoobe

axmed madoobe
axmedmadoobe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.