AMaan Duule Odowaa oo sheegay in laysu Furya wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka

Amaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday Al-Shabaabka ku sugnaa Wadada Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo marka gaar ahaan dhanka Xeebta ee marta.

Sidoo kale amaanduulaha ayaa waxaa uu sheegay in howlgal qorsheysan ay  ka wadaan  degaanada hoostaga Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Amaandulaha ayaa waxa uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan dagalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.