Barlamanka Somaliya oo loo qaybiyey Hindise Sharciyeedyada Hay’adda Naafada & harciga Hanti Dhowrka

barlamanka

Xildhinaada Golaha shacabka JFS ayaa maanta loo qaybiyey hindise sharciyeedyada dhismaha hay’adda Naafada iyo wax ka badalka sharciga hanti dhowrka guud ee dalka.
Ajendaha Kalfadhiga Afaraad kulankiisa 1-aad ee golaha shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray Hindise sharciyeedka dembiyada jinsiga, hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii, hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka iyo sidoo kale Warbixinta Xisaab xirka Dowladda ee sanadka 2017.
Hadal jeedinta guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka mid aheyd AJendayaasha golaha ayaa waxa uu guddoomiyaha kaga hadlay dhowr qodob oo ku aadan shuruucyada horyaala Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa dalka xiligaan muhiim u ah,isagoo Soo hadal qaaday dhameystirka dastuurka dalka iyo wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.