TopNews:Shirkii Maamul Goboleedyada uga socday Kismaayo oo Qilaafhareeyey

aamiin

Magalada Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa wali ka socda Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada dalka isaga oo galay Maalintiisii Afaraad, Shirkaan ayaa waxaa hareeyey Qilaaf soo kala dhex galay Madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo kala dana qaarna ay wajahayaan Doorashooyin ka dhacaya deegaanada ay matalayaan.

Qodabada ugu daran oo laysku mari layahay ayaa ah Amniga, Kheyraadka dalka iyo Iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada Xubinta ka ah dowladda Soomaaliya iyo dowlada Federaalka, Madaxwaynayaasha Jubaland Axmed madoobe iyo Galmudug Xaaf ayaa waxay rabaan in shirka laga soo saaro war saxaafadeed Dowlada Soomaliya Xirirka loogu jarayo laguna cambaareynayo halka Madaxwaynaasha kale ay rabaan in sidaas si ka duwan loo wajaho Madaama Mucaarad Badan oo kasoo horjeeda maamul goboleedyada ay jiraan kuwaas oo kamida imaanaya Bulshada Soomaliyeed dhamantiin iyo Beesha Caalamka.

Maanta ilaa caawa ayaa la filayaa in shirkaas oo socday mudo Afar Maalin ah la soo gaba gabeeyo isla markaana War-murtiyeed laga soo saaro kaas oo ku saabsan qodobadii ay ku heshiiyeen waxaana lafilayaa War-Murtiyeedkaas inuu lamid noqdo kii Magaalada Baydhabo ay kasoo saareen Maamul goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.