Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Shir looga hadlayay Horumarinta Magaalooyinka dalka

yariisow

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay horumarinta Magaalooyinka dalka.

Shirka ayaa intii uu socday waxa uu Bangiga Adduunka ku soo bandhigay daraasad lagu sameynayo sidii loo horumarin lahaa magaalooyinka dalkeena, iyadoo ujeedku yahay horumarinta barnaamijyada dib u qaabeynta dhismaha adeegyada bulshada, iyo in la adkeeyo nidaam ay shacabka iyo maamulladoodu ku horumarinayaan magaalooyinkooda, gaar ahaan dhismaha waddooyinkan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay ahmiyadda uu dalka u leeyahay mashruucan, isagoo xusay in Bangiga Adduunka ay ka wada shaqeynayaan hirgelinta dhismaha waddooyinka, gaar ahaan jidadka loo yaqaan Community Road oo xiligan Caasimaddu aad ugu baahan tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.