Gaas oo Xabsiga u Taxaabay Wariye kasoo Horjeestay Shirka maamul goboleedyada

gaas

Magaalada Garoowe ee Xarunta maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxaa Xabsiga loo taxaabay Wariyaha Maxamed Darwiish oo Maanta Baraha Bulshada uu ku soo bandhigay Sawiro iyo qoraal uu kaga soo horjeedo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ka socda Magaalada Kismaayo, isla markaana uu taageeray Dowlada Soomaaliya.

Maxamed Darwiish ayaa waxaa uu soo dhigay Sawiro isaga oo Gacanta ku wata Warqad ay ku qoran tahay Dalkan hal Madaxweyne ayuu leeyahay iyo Raali kama nihin Shirka madaxda Maamul goboleedyada waana tan ka caraysiiyey Madaxda maamul goboleedyada ee shirka uga socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee jubbaland.

Laamaha aminga Puntland ayaa waxay sheegeen in amarka Lagu xiraya Maxamed Darwiish oo ubixyey Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.