Safiirka Cusub ee Soomali Warqadiisa Aqqonsiga u gudbiyey Dowlada Qatar

taano

Mudane Soltan bin Saad Al-Muraikhi Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar.
Wasiiru dowlaha ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday, waxaana uu ballanqaaday in uu ku garab istaagi doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sare u qaadida iskaashiga wadaaga ah oo la gaarsiiyo heerar kala duwan.
Mudane Cabdirisaaq Faarax ayaa hore u ahaa danjiraha Soomaaliya ee dalka Saldanada Cumaan, waxaana bil kahor loo magacaabay howshan cusub oo noqonaysa wejiga labaad ee geedi socodkiisa diblomaasiyadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.