Akhriso:Madaxweynaha deegaanka Soomalida oo magacaabay Taliyaasha laamaha Amaanka

mustafe

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar Muxumed ayaa soo magacaabay qaar kamid ah taliyeyaasha laamaha ammaanka iyo xukummadda.
Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka.

Taliyeyaasha Liyu booliska.
Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska.
Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska.
Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska.
Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska.
Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska.
Taliyeyaasha booliska caadiga.
Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska.
Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska.
Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta.
Madax xafiiskeeda xafiiska maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa loo magacaabay KhadarJigree Aadaan, oo ah ganacsade ka yimid dalka Mareykanka.
Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.